Dhibka uu leeyahay shunkaansiga Facbook

Barashada Facebook iyo sawirada hablaha ku nool yurub waxaa ka dhexeeya xiriir aad u weyn, sheeko waxaa jirta khayaal ah. waxaa la sheegay gabar ayaa jiri jirtay oo ku waalnayd webka Facebook, waxay ka baratay wiil aad u qurux badan wiilkii marka ay is barteen waxay kala qaateen teleefano, mar kasta waxay ku wada sheekaysanayeen internetka iyo taleefanka, wuxuu u diri jiray sawirkiisa oo da' yar ah iyaduna sidaas oo kale, waxay wada socdeen mudo ku dhow shan sano, markii ugu dambaysay go'aan waxay ku gaareen inay is guursadaan, waxaa lagu heshiiyay in lagu kulmo magaalada Dubai, yarka wuxuu ku noolaa dalka imaaraadka gabadhana waxay ku noolayd dalka Holland, jacayl rasmi ayaa dhexmaray oo socday muddo badan, marka ay tikidka soo jaran rabtay ayaa wuxuu ku yiri abaayo waxaan rabaa inaan kuu sheego wax aanan waligayga kuu sheegin oo ah aniga da'da aan kuu sheegay oo ahayd sagaal iyo labaatan waa been runtii waxaan jiraa 49 sano iyadoon la yaabin waxay ku tiri anigaba da'da aan kuu sheegay oo ahayd inaan jiro 24 waa been dhab ahaantii waxaan jiraa 44 sano waxaanna leeyahay shan caruur, ninkii wuxuu yiri ha imaanin abaayo guurkana naga daa, guri been lagu dhisay dumitaankiisa waa sahal.

 
 

 
 
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post